DAAWO Syria: Daadgureynta rayidka Aleppo oo la hakiyey – VIDEO

siiriraSiiriya (NN) 16/12/2016

Dadka rayidka ah ee laga daadgureynayo magaalada dagaaladu riiqeen ee Xalab dalka Siiriya ayaa la hakiyey. Warbixino ka soo baxay Xalab ayaa sheegaya in qaraxyo iyo rasaas laga maqlayo meel ku dhaw halka dadka Basasku ka qaadayeen dadka rayidka ah. Hay’addaha gargaarka ayaa lagu khasbey in ay meesha isaga baxaan sida ay qortey Reuters.

Daadgureynta ayaa socotey muddo hal maalin ah, sababta loo hakiyey maaha mid cadda. Labada dhinac ee mucaaradka iyo Xukuumadda Bashar al-Assad ayaa midba war sheegayaa sababta loo joojiyey daadgureynta rayidka.

[AdSense-A]

Sida ay sheegayaan Xukuumadda Bashar al-Assad, Jamhada hubeysan ee ku jirta halka rayidka laga daadgureynayo ayaa dadka ku dhex-qariyey maxaabiis askar ah oo ay horey u haysteen, taas oo ah mid ka soo horjeeda heshiiskii dadka lagu daadgureynayey, sida ay Xukuumaddu sheegtey.

Afhayeen u hadley Mucaaradka ayaa sheegay in ay jiraan Malayshiyaad Shiico ah oo taabacsan Bashar al-Assad oo rasaas ku furey Kolonyo gadiidka dadka daadgureynayey, kadib basaska ayaa dib uga baxay halkaas.

Waxaa socda wada hadal mar kale dadka rayidka ah lagu badbaadinaayo.

Comments are closed