DAAWO Obama: “…Tallaabo ayaan ka qaadeynaa Ruushka” – VIDEO

Morning Edition host Steve Inskeep interviews President Obama in the Oval Office.

Mareykanka (NN) 16/12/2016

Madaxweynaha xilka ka degaya ee dalka Maraykanka Barack Obama ayaa caddeeyey in Maraykanku ka aargudanayo Ruushka kadib markii ay weerar dhanka Internetka ku qaadeen Maraykanka si ay wax uga beddelaan Dimqoraadiyadda Maraykanka, sida Maraykanku ku doodayo.

Obama ayaa sheegay in qayb ka mid ah talaabada ay qaadayaan ay noqon doonto mid cad oo dadku arkayaan, halka qaar kale ay noqonayaan kuwo qarsoodi ah, sidaas waxa uu ka sheegay Raadiyaha NPR (National Public Radio)

[AdSense-A]

Aqalka Cad ee dalka Maraykanka iyo hay’adda sirdoonka ee CIA ayaa aaminsan in Madaxweynaha Ruushanku Vladamir Putin uu shakhsi ahaan u maamuley qoraaladii Hacker-sku ay ka xadeen xogta Maraykanka halkii lagu keydinaayey.

Obama ayaa sheegay in sababta Ruushanka ku xanbaartey weerarkan iyo in Aqalka Kremlin-ku ay faraha la galaan Dimoqraadiyadda Maraykanka ay tahay in ay taageeraan Donald Trump, Trump laga doonayo in uu ogaado farogelinta qaawan ee dowldaha shisheeye.

Ruushanka ayaa iska fogeeyey eedeynta waxaana ay ku tilmaameen wax lagu qoslo waxa ka soo yeeray Maraykanka.

Obama ayaa xilka ka degaya 20 Janaayo 2017 waxaana lagu wadaa in uu talaabo qaado ka hor xiligaas taas oo aan weli la ogeyn waxa ay noqon doonto.

Comments are closed