DAAWO 13-Qof dhimasho Qarax weyn oo ka dhacay Turkiga

turkey-qarax-kayseri2Turkiga (NN) 17/12/2016

Waxaa maanta oo Sabti ah qarax weyn uu ka dhacay magaalada Kayseri oo ku taal bartamaha wadankaasi Turkiga.

Qaraxan ayaa lala beegsaday gaari bas ah oo siday Askar ku jirtay Fasax, waxaana la xaqiijiyey illaa iyo hada inay ku dhinteen 13 qof, halka uu dhaawaca ka badan yahay 56 ruux.

[AdSense-B]

Dowlada Turkiga ayaa weerarkan ku eedaysay kooxda hubeysan ee Kurdida PKK oo horey weeraro noocaan ah uga geystay wadankaasi.

Weerarkan ayaa lagu soo beegay asbuuc ka dib markii in ka badan 44 qof ku dhinteen labo qarax oo ka dhacay magaalada Istanbuul.

Raysalwasaaraha Kuxigeenka Veysi Kaynak oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in qaraxan u lamid yahay kuwii ka dhacay Istadiyumka kooxda Besiktas ee magaalada Istanbuul.

Saraakiisha Amniga ayaa sheegay inay qaraxa maanta u qabteen shan qof isla markaana baadi goob ugu jiraan 7 qof oo kale.

Comments are closed