Daawo Tobanaan Aksari oo Lagu Diley Magaalada Cadan, Weerar Is-miidaamin – VIDEO

yemennCadan (NN) 18/12/2016

Mid naftiisa bom ku soo xirey ayaa weerar ku qaadey koox aksar ah oo ku sugneyd magaalada Cadan ee dalka Yemen gelinkii danbe ee Sabtida, waxaana uu diley ugu yaraan 30 qof.

Weerarka ayaa ka dhacay goob askartu ay saf ugu jireen in ay ka qaataan Mushaharkoodi saldhig ciidan oo ku yaala Khormaksar ee magaalada Cadan.

[AdSense-A]

Cadan ayaa ah caasimadda kumeel-gaarka ah ee Dowladda Caalamku aqoonsan yahay ee taagta daran ee dalka Yemen.

Warar ayaa sheegaya in kooxda la abxdey Dowladda Islaamka ah ay qaadatey masuuliyadda weerarka.

Dagaalada dalka yemen ayaa galaya sanadkii labaad, mana jirto wax wadahadal ah oo u socda dhinacyada isku haya siyaasadda.

Comments are closed