Madaxweynaha Jubbaland Oo Ka Hadlay Dagaalo Ka Dhacay Jubbada Hoose iyo Sarkaal Sare oo La Dilay

axmed-madobeKismaayo (NN) 18/12/2016

Madaxweynaha Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa Shir Gudoomiyay kulan deg deg ah oo Golaha Wasiirada ay ka yeesheen Xaaladahii ugu danbeeyay ee  dagaalo saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay qaybo kamid ah Jubbada Hoose.

Kulankan oo ay goob joog ka ahaayen Labada Madaxweyne ku xigeen iyo inta badan Xubnaha Golaha wasiiradda  ayaa waxaa Madaxweynahu wuxuu ka xog waramay xaaladahii u danbeeyay ee Gobolka Jubada Hoose gaar ahaan Dagaalo adag oo Ciidamadu ay la galeen Kooxda Al-Shabaab.
wuxuu sheegay in Dagaalo adag oo ka dhacay deeganada Beerxaani iyo Golashimbi ay Ciidamadu halkaas ku dileen qaar badan oo kamid ah Kooxda Shabaab oo ay sheegeen in dhibaato badan ay ku hayaan dadka Xoolo dhaqatada ah, wuxuuna xusay in ay talaabo adag Ciidamadu ka qaadeen oo ay kasoo furteen qaar badan oo kamid ah Xoolahii ay shalay dhaceen, kuwa kalana ay ku daba jiraan.

[AdSense-A]
Madaxweynaha, oo sidoo kale ah , islamarkaana ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada qalabka ee Jubbaland waxaa uu sidoo kale sheegay in dadka deeganku ay diyaar u yihiin in ay Al-Shabaab la dagaalamaan qaar badan oo kamid ahna la hubeeyay si ay isku difaacan.

Dhinac kale,Saraakiisha Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xaqiijiyay iney dileen Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab, markii ay howlgallo ka sameeyeen degaanka Beexaani ee Galbeedka Magaalada Kismaayo.

Saraakiisha Laamaha ammaanka ee maamul Goboleedka Jubbaland oo la hadlayay Wakaaladda wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa waxay intaa ku dareen Sarkaalkan ka tirsan Al-Shabaab ay Meydkiisa keeneen Isbitaalka weyn ee Kismaayo, si loola wadaago Saxaafadda

Comments are closed