Roobab Da’ay Xili Abaar Xun Lagu Jiro iyo Khasaare Ka Dhashey

roobwadooyinka1Puntland (NN) 19/12/2016

Roobab lagu qabowsaday oo  biyo dhig ah ayaa ka da’ay degaamo badan oo ku teedsan xeebaha goboladda Bari, Karkaar iyo Gardafuu ee Puntland, waxaa kaloo roobabku ay ka da’een degmooyinka Iskushuban, Benderbayl, Rako Raaxo iyo guud ahaan dhulka miyiga.

Degaamada roobabku ka da’een qaarkood oo bilowday shalay galab, ayaa la sheegayaa inay  gaysteen khasaaro naf iyo maalba leh, waxaana ka mid ah degaamada roobabku khasaaraha ka gaysteen degaanka degmadda Bender Bayla ee gobolka Karkaar.

Guddoomiyaha gobolka Karkaar Cabdiqaadir Siciid Carshe oo la hadlay horseed media ayaa sheegay in inta badan degmooyinka gobolka iyo degaamada miyiga ah ee hoos yimaada, uu ka da’ay roobab biyo qaad ah oo maasheeyay dhammaan dhulkii uu ka da’ay.

“degmooyinka Bender bayla, Xaafuun,iyo degaamada hoos yimaada roobab tumay ah (biyo-qaad ah) ayaa ka da’ay, magaaladda rako raaxo roob ma qaban, laakiin tuulooyinka hoos yimaada ee xunbays, qodax, qoton iyo duud hooyo” ayuu yiri,

Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in roobabka ka da’ay degaamo hoos taga degmadda bender Bayla ay gaysteen khasaare  dad iyo duunyo ah.

“Qoys oo odaygii ka maqnaa ayaa la soo sheegayaa in Hooyo laba caruur ah haysata, aan nolol iyo geeri mid la ogayn meeshay ku dambaysay, hase yeeshee waxaa la helay  maydkia wiil yar  oo ay dashay haweentaas la waayay” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Karaark.

Guddoomiyuhu, wuxuu kaloo sheegay in roobab aan xooganayn  ay ka da’een degmadda Waaciye iyo tuulooyin kale oo ku teedsan laamiga isku xira Bosaso iyo Qardho.

Dhinaca kale, warar ka imaanaya goboladda Sanaag iyo Sanaag oo abaar xoolo qaad ahi ay ka jirtay, ayaa la soo sheegayaa in roobab biyo dhig ah ay ka da’een, waxaa kaloo warar la xiriira roobabka laga soo sheegayaa qaar ka mid ah degmooyinka gobolka nugaal ee Puntland.

Gabagabadii, dhowrkii sanno ee la soo dhaafay waxaa ka jiray inta badan degaamadda Puntland abaaro ba’an oo saameeyay dadkii iyo duunyadii, iyadoo roobabka da’ayna ay aad u yaraayeen, meelaha qaarkoodna aan dhowr sanno uusan roob ka da’in.

Comments are closed