Wasaaradda Caafimaadka Somaliland oo sheegay inay jiraan Shuban biyoodka iyo Oof-wareen lagu arkay deegaana qaarkood

20161219636177380532480660saleebaanHargeysa (NN) 19/12/2016

Wasaaradda Caafimaadka Somalilnand ayaa sheegtay inay jiraan deegaanadda qaarkood shuban biyood ay sababeen abaaraha ka jira dalka iyo nafaqo daro ka jirta dadkii abaaruhu ku dhufteen.

Agaasimaha Guud ee wasaaradda Caafimaadka Somalialnd Saleemaan Jaamac Gahayr  oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay jiraan cuduro ay ka mid yihiin shuban biyood iyo Oof-wareen ka dhashay abaaraha.

“dalka waxa ka jira abaaro badan abaarahana waxa ka dhasha xanuuno kala duwan oo ay ugu horeeyaan shuban biyoodka, Oof-wareenka, iyo wax-yaabaha keena nafaqo daradda”ayuu yidhi Agaasumuhu.

Agaasimaha guud wasaarada caafimaadka oo ka waramaya inta ay leegtahay tirada dadka uu asiibay cudurka shuban-biyoodka iyo deegaanada dalka ee uu ku badan yahay, wuxu yidhi “meelo badan oo kala duwan waddanka waxa ka jira shuban, Barri iyo Galbeedkaba wasaaraduna way la socotaa maalin kasta waxa la soo saara warbixin subax leh ah (daily Report) hawlwadeenada wasaaraddu ku wada xidhiidhaan,meelaha Wajaale iyo Dilla u dhexeysa shuban kama dhicin, Boorama inan baa ku dhintay Jaamacada dhigan jiray alla ha u naxariisto kaligii qol daganaa oo aanay cidi ogayn markaa”.

Agaasimaha oo sii sharaxaya cuduradan jira waxa iyo maalintii inta qof ee uu ku dhaco waxa uu yidhi “Dadka cudurku ku dhaca SHubanku wuu is bed bedelaa, laakiin celcelis ahaan maalintii waxa uu ku dhacaa toban ugu badnaana sadex iyo toban qof, oo iskugu jira shubanadda oo kala duwan shuban biyood iyo shuban dhiig, wax faraha ka baxayna maaha, waa wax la kaantarooli karo waa wax gacanta lagu hayo, marka marka ay arkaan qof shuban biyood haya waa inayna faraha la galin ee la soo xidhiidhiyaan goob caafimaad ee ugu dhow”.

Agaasimaha oo sharaxaya waxyaalaha fidiya shubanka waxa uu yidhi “Waxyaalaha sii fidinaya shubanka waa xoolaha bakhtiyey ee meelahaasi yaalla, waxaan ka codsanayaa dawladaha hoose inay xil weyn iska saaraan nadaafadda iyo basrinta xoolaha dhintay.”

 

Comments are closed