Maydka gabdho lagu dilay Ottowa oo la aasay iyo walaalkood oo lagu eedeeyey dilkooda

2016121963617733814411095220161218636176820663343831img-20161218-wa0007660newOttawa (NN) 19/12/2016

Ka dib markii la aasay Nasiibo iyo Asmo oo ahaa laba gabdhood oo walaalo ah oo lagu dilay magaalada Ottawa ayaa waxaa isla markiiba gacanta lagu dhigay  Muscab C/rixman Nuur oo ahaa ninka dilay labada gabdhood oo ay walaalo ahaayeen.

Muscab ayaa diiday in uu ka soo muuqdo maxkamad-da maalintii Axad-da, waxaana lala tiigsaday sharciyada koowaad iyo kan labaad ee lagu soo oogo dadka gaysta danbiyada caynkan oo kale ah.

Maydka labadan gabdhood ayaa la helay abaaro sagaalkii 9-kii Fiidnimo ee habeenkii Jimcaha ka dib markii booliska laga soo wacay meel ku dhow guriga uu dilkani ka dhacay oo ku yaala jidka McCarthy ee magaalada Ottowa.

Qaraabada iyo ehelada labada gabdhood ee geeriyooday ayaa HOL u sheegay in Muscab uu dhanka maskaxda ka jiranaa ayna macquul tahay in taasi ay sababtay dilka uu u gaystay labada gabdhooda ,iyadoo isbitaalka loo qaaday si looga soo daweeyo dhaawacyo yar-yar oo Muscab gaaray ka hor intii aan la xirin.

Boqolaal Somali ah oo degan magaalada Ottowa ayaa isugu yimid masjjidka  Jami Omar si ay salaad-da jaanasada ugu tukadaan labada gabdhood ,iyadoo booliska uu sheegay in Muscab uu diiday in uu ka soo baxo qolka lagu xiray ,waxaana la dul-dhigay kaamirooyin si looga ilaaliyo in uu is dilo.

Ugu danbayn, labada gabdhood ayaa lagu aasay qabuuro muslimiinta u gaar ah oo ku yaala magaalada Ottowa ,waxaana si aad ah loo  hadal hayaa dilka gabdhahan ,iyadoo arintan ay ka dagi la’ dahay in badan oo kamid ah Somalida ku dhaqan dalkaas.

 

Comments are closed