Golaha Kabineega Oo Kulan Yeeshay Jigjiga

khady01JIGJIGA (ESTVLIVE.COM) 19/12/2016

Kulan ay yesheen Golaha Kabineega DDSI islamarkaana ay shir gudoon ka ahayd Madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka xafiiska Horumarinta Beeraha iyo Khayraadka Dabiiciga ah DDSI Marwo Sucaad Axmed Faarax ayaa ka qabsoomay Hoolka shirarka Ee Xafiiska Hor-Beeraha iyo Khay-Dabiiciga ah DDSI.

Hadaba, furitaankii kulankan ayaa waxaa ugu horayn kahadlay Madaxwayne Kuxigeenka ahna Wasiirka Xafiiska Horumarinta Beeraha Iyo Khayraadka Dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax. Waxayna Golaha usoo bandhigtay ajandayaasha kulankan oo ahaa ansixinta 45 Milyan oo lagaga gaashaamanayo  saamaynta ay isbadalka cimiladu ku yeelan karto bulshada xooladhaqatada ah iyo kuwa beeralayda ah. Iyo waliba in lacagtan 45ta milyan ah suuq loogu sameeyo beeralayda deegaanka iyadoo lagaga iibinayo 50 kun oo kiintaal oo ah dalagyada kaladuwan ee u soo go’a beeralayda deegaanka.

Kadibna, Golaha Kabineega oo kadooday ajandayaasha kulanka ayaa Cod-Buuxa Oo Gacantaag ah Ku ansixiyay.

Iskusoowada duuboo kulankan Golaha Kabineega ayaa Jawi wanaagsan Kusoo dhamaaday.

Comments are closed