Agaasime k/xigeenka Madaxtooyadda dowladda Puntland Cawil Xasan Daad oo warbaahinta kula hadlay aaskii qaran ee loo sameeyay marxuumka, ayaa sheegay in qiimo weyn ay ugu kici doonto ,wuxuu ugu yeeray dhagar qabayaashii dilay, islamarkaana ay tallaabo adag ka qaadi doonaan.
[AdSense-A]
“ qofku uu qarsoomi karaa, laakiin ma dhuuman kartid, falkaasi ay sameeyeen si deg deg ayay u dhadhamin doonaan, tallaabadan ku haboona waanu ka qaadi doonaan” ayuu yiri agaasime k/xigeenku,wuxuuna sii raaciyay
“Ma iloobi doono, kama seexan doono, kamana caajisi doono, ilaa aan cadaalada hor keeno, dadkii falkaasi foosha xun u gaystay muwaadin 48 sanno dalkiisa iyo dadkiisa u shaqaynayay, isagoo aan wax dambi ah cidna ka galin”
Agaasime Cawil wuxuu dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii,ehelkii iyo ummadda reer Puntland ee uu ka geeriyooday alle ha u naxariistee Aadan Gaas Huruuse, wuxuuna marxuumka ilaahay uga beryay inuu jannadiisa fardowsa galiyo, ehelkiisii samir iyo iimaan ka siiyo.
alle ha u naxariistee, Aadan Gaas oo ahaa maalmulihii xarunta madaxtooyadda Bosaso muddo 12 sanno ah, waxaa shalay galab lagu dilay isagoo fadhiya mid ka mid ah Baararka magaaladda Bosaso, iyadoo gacan ku dhiiglihii dilka gaystay oo aan haybtiisa la aqoon uu goobta ka baxsaday.
Comments are closed