DAAWO Mogadishu: Hogaamiyayaasha Madasha oo Baaq kasoo saaray Abaarta – VIDEO

baaqa-abaarta-soomaaliya-madasha2016Muqdisho (NN) 21/12/2016

Hogaamiyayaasha maamulada dalka iyo Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya ayaa si wadajir ah baaq uga soo saaray Abaarta ka jirta wadanka Soomaaliya.

Baaqan ay kasoo saareen kulankooda uga socda magaalada Muqdisho ayaa looga hadlay saameynta ay abaarta ku yeelatay wadanka Soomaaliya iyo sida loogu baahan yahay in Beesha Caalamka ay gacan uga siiso gurmadka dadka dhibaatada ay soo gaartay.

[AdSense-A]

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo u hadlay hogaamiyayaasha maamulada dalka ayaa sheegay in hada roobka uu ka da’ay deegaano kamid ah dalka Soomaaliya, balse weli ay taagan tahay abaarta loona baahan yahay in Beesha Caalamka iyo maamulada dalka ka jira iska kaashadaan sidii wax loogu qaban lahaa dadka dhibaatada xoogan soo gaartay.

“…Abaarta maaha mid dhamaatay, waxaana la filayaa in xiliga roobka ay ka dhimantahay 4 bilood iyo ka badan, waxaana loo baahan yahay in si deg degleh wax loogu qabto dadka dhibaateysan oo hada ku jira gaajada…” ayuu yiri Cabdiweli Gaas.

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xassan Shiikh Maxamuud oo isaguna ka hadlay abaarta ayaa sheegay in dowlada ay ku dadaaleyso inay wax ka qabato wixii ay awoodo balse loo baahan yahay caalamka inuu gacan kasiiyo wadanka Soomaaliya sidii wax looga qaban lahaa saameynta abaarta.

Comments are closed