DAAWO DR Congo: In ka badan 20 qof oo ku dhimatay Kacdoonka Shacabka – VIDEO

kacdoonka-dr-congo2016Congo (NN) 21/12/2016

Shacabka wadanka DR Congo ayaa bilaabay kacdoon ay uga soo horjeedaan Madaxweynaha xilka ka dhamaaday ee Joseph Kabil oo diidan inuu xukunka ka dego.

Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhimatay rabshado ka dhacay qaar kamid ah magaalooyinka waaweyn ee dalkaasi, kadib markii ay dhaceen banaanbaxyo looga soo horjeedo dowlada Kabila.

[AdSense-A]

Isniintii ayuu wakhtiga ugu ekaa Madaxweynaha dalkaasi Joseph Kabil oo dhameystay xilkiisa isla markaana aan markale isu soo taagi karin xilka Madaxweynaha sida uu qorayo Dastuurka.

Balse Doorashadii lagu waday inay dalkaasi ka dhacdo bishii November ayey xukuumada dib u dhigtay iyadoo sabab uga dhigtay dhaqaale xumo, balse mucaaridka ayaa ku tilmaamay go’aankan mid uu xilka kusii dheeraysanayo Madaxweyne Kabila.

Shacabka ayaa codsanaya in dowlad KMG ah xilka la wareegto taasina ay soo diyaariso Doorashooyin xor ah.

Comments are closed