3-Qof Dhimasho Qarax Weyn oo ka dhacay magaalada Muqdisho

muqdihso1Muqdisho (NN) 2/12/2016

Qarax ka dhashay miino dhulka lagu aasay ayaa goor dhaw oo maanta ah ka dhacay ilinka hore garaash ay dhawaan la wareegeen ciidammada nabad-sugida Qaranka degmada Hodan magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa warbaahinta u sheegay in qaraxan miinada lagu aasay ilinka hore garaashka ku dhinteen saddex ruux oo mid ka mid ah lagu sheegay in uu ka tirsanaa ciidammada dowladda federaalka.

Waxaa markii uu qaraxa dhacay gaaray goobta ciidamada ammniga dowladda federaalka oo halkaa ka bilaabay baaritaanno.

[AdSense-A]

Ugu danbeyntii, garaashkan uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa horay ula wareegay ciidamada nabad-sugida Qaranka, kaddib markii la sheegay in laga soo abaabulay gaarigii isku qarxiyay suuqa beerta ee degmada Waabari

 

Comments are closed