DAAWO Australia: Weerar Argagaxiso oo la fashiliyey – VIDEO

australian-armed-police-gettyMelbourne (NN) 23/12/2016

Ciidamada Amniga dalka Australia ayaa sheegay inay fashiliyeen weeraro argagaxiso oo lala damacsanaa goobo ku yaal magaalada Melbourne.

 

Raysalwasaaraha Malcolm Tunbull oo shir jaraa’iid qabtay ayaa sheegay in kooxdan mudo lagu raad joogay gacanta lagu dhigay isla markaana aysan hada khatar ku noqon Karin amniga dalkooda.

[AdSense-A]

Kooxdan dhalinyarada ah oo isugu jira 6 nin iyo hal gabar ayaa la sheegay inay qorsheenayeen inay weeraro ku qaadaan goobaha la isugu yimaado xiliga ciida masiixiga ee maalmaha soo socda.

Dowlada Australia ayaa sheegtay in dadkan la qabtay ay xiriir la lahaayeen kooxda xagjirka ah ee Daacish. Waxaana lagu tilmaamay weerarkan ay qorsheenayeen inuu ahaa kii ugu balaarnaa oo ka dhaca gudaha wadankaasi Australia.

Comments are closed