Wasiirka Waxbarashada DDSI Oo Soo Kor-Meeray Geedi Socodka Waxbarashada Dugsiga Sare Ee MM Jigjiga

Jigjiga (estvlive.com) 23/12/2016

Wasiirka waxbarashada DDSI mudane Ibraahin Aadan Mahad oo ay wehelinayaan qaarka agaasinada waaxaha kala duwan ee xafiiska waxbarashada DDSI ayaa  kormeer shaqo ku soo maray dugsiga sare  MM jigjiga.

 

Haddaba, ujeedada kor-meerkan ay wasiirka iyo masuuliyiintan kale ku soo mareen hanaanka  waxbarasho ee dugsiga sare ayaa waxay  tahay mid lagu xaqiijinayo nidaamka waxbarasho ee dugsiyada sare ee DDSI si loo dar-dar dargaliyo geedi socodka barisbarasho. Wasiirka ayaa fasalada  ay xiligaasi ka socoday waxbarashadu booqday isaga oo ardayda, barayaashaba iyo maamulka dugsiga  ka dhagaysanayay nidaamka ay waxbarashadu u socoto.

Ugu danyantii wasiirka waxbarashada DDSI mudane Ibraahin Aadan oo ka hadlay warbaahinta DDSI ayaa sheegay in guud ahaanba xafiiska waxbarashada DDSI dadaal xoogan ugu jiro  sidii loo xaqiijin lahaa nidaamka barisbarasho iyo guud ahaanba geedi socodka waxbarashada dugsiyada deegaanka gaar ahaan digsiyada sare ee DDSI si loo buuxiyo meelaha  ay gol-dalooladu ka jirto. Wasiirka ayaa tilmaamay in ay kor-meerkan oo kale ay ku soo marayaan dugsiyada sare ee DDSI. wuxuu ku booriyay wasiirka ardayda waxka baranasay dugsiga sare in ay muujiyaan dadaal dheer lana yimaadaan anshaxa wanaagsan kana soo dhalaalaan aqoonta ay baranayaan.

Comments are closed