Faah faahin iyo sawiro la xiriira diyaaradii Liibiya ee la afduubtay

20161223636180868039887519af7Liibiya (NN) 23/12/2016

Warar dheeraad ah iyo faah faahin ayaa ka soo baxaya diyaarad laga lahaa dalka Liibiya oo la afduubtay, xili ay la socdeen 118 qof, waxaana diyaaradan laga dajiyay Jaziirada Malta.

Mas’uuliyiinta dalka Liibiya ayaa xaqiijiyay in la afduubay diyaaradda iyadoo ku guda jirtay duulimaad maxali ah, waxaana dayuuradan leh shirkadda diyaaradaha Afrqiyah.

Waxaa hadda ku hareereysan ciidamo, waxaa sidoo kale garoonka ku sugan oo heegan sare ku jira shaqalaaaha gurmadka deg degga ah.

Waxay u muuqataa in aan wax xiriir ah lala sameynin kuwa afduubay diyaaradaasi oo la sheegay in ay wataan bambaanooyinka gacanta laga tuuro.

Garoonka Malta ayaa qayb ahaan la xiray iyadoo duulimaadyada qaar loo weeciyay Jasiiradda Taliyaaniga ku taallla ee Sicily Sida ay ku warantay wakaalada wararka Reuters.

Ugu danbeyntii, ragga  wax afduubatay ayaa goor dambe sii daayey 25 ka mid ah rakaabkii la socday dayuurada kuwaasoo ay ku jireen haween iyo caruur, waxaana weli gudaha dayuurada lagu heystaa ku dhowaad boqol ruux oo isugu jira rakaab iyo shaqaalihii dayaarada.

Comments are closed