Doorashadda xubnaha Aqalka Sare ee Goboladda Waqooyi oo dib u Dhacday.

Electoral officials count votes during Somaliland's ongoing electoral process in Mogadishu, Somalia, on December 19, 2016. UN Photo / Ilyas Ahmed

Muqdisho (24/12/2016

Magaaladda muqdisho waxaa maanta qorshaysnayd in ay ka dhacdo doorashadda aqalka sare barlamaanka federaalka ee Goboladda Waqooyi, taasi oo hadda la soo sheegayo inay dib u dhacday.

Guddiga doorashadda heer federaal ayaa hore u sheegay in guddiga oo kaliya

 

uu go’aan ka gaari karo waqtiga iyo halka lagu qabanayo doorashadda, waxayna sheegeen in maanta aysan doorashada labada aqal ee waqooyi aysan qabsoomin doonin, iyagoo aan faahfaahin ka bixin sababaha ay ku joojiyeen.

[AdSense-B]

 

guddiga doorashadda goboladda waqooyi ee Somaliland ayaa toddobaadkii hore 24 bisha december oo maant ku beegan u mudeeyay qabsoomida doorashadda xubnaha aqalka sare, iyagoo tilmaamay in la dhameeyay cabashadii saami qaybsiga goboladda Sool iyo Sanaag ee 11 xubnood ee qalka sare.

dhinaca kale,doorashada aqalka hoose ee gobollada waqooyi oo ilaa hadda la doortay 29 xildhibaan, ayna dhiman yihiin doorashada 17 xubnood, waxaana la filayay in la soo dhamaystiro toddobaadkan, taasi oo hadda u muuqata in ay dib u dhacayso.

Gabagabadii,Guddiga doorashadda heer federaal iyo guddiga doorashada goboladda waqooyi oo uu magacaabay guddoomiyihii hore ee barlamaanka federaalka Maxamed Cismaan Jawaari ayaa waxaa muuqata inuu khilaaf soo kala dhexgalay, iyagoo go’aamo mudayn doorasha oo iska soo horjeeda ay soo saareen.

Comments are closed