ilhaan Omar oo Qardho lagu soo dhoweeyay-Sawiro

ilhan-4Qardho (NN) 24/12/2016

Xildhibaan Ilhaan Omar oo xisbiga Dimuquraatiga looga soo doortay gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka iyo seygeeda Axmed Xirsi ayaa si wayn loogu soo dhoweeyay magaalada Qardho ee xarunta goblka Karkaar ee Puntland-Soomaaliya

 

Soo dhowaynta Ilhaan iyo seygeeda ayaa waxaa  ka qayb galay maamulka gobolka, kan degmada, dadwayne aad u farabadan iyo mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Puntland, xildhibaanada oo ay galbinayaan wasiiro ka tirsan Maamulka Puntland.

 

[AdSense-B]

Waxaa looga hortagay meel dhowr km dhanka koonfureed Qardho uga beegan soo dhowaynta kadib xildhibaanad ayaa loo soo galbiyay gudaha magaalada Qardho,

Duqa degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan ayaa xildhibaanada iyo seygeeda uga mahadceliyay booqashada ay ku yimadeen magaalada Qardho duqa ayaa sidoo kale xusay inay taageero iyo duco la garab taagnaayeen xiligii ololaha doorashada ay ku jirtay.

Ilhaan Omar oo la hadashay dadwaynihii soo dhoweeyay ayaa xustay in dareenkeeda farxadeed  aan lasoo koobi Karin oo ay ku faraxsan tahay booqashada ay ku timi Qardho xildhibaanada ayaa sidoo kale xustay in booqashadan aysan ahayn booqashadii ugu horaysay oo ay Qardho ku timaado balse ay marar badan timi laakin booqashadan ay wax wayn uga duwantahay kuwii hore.

Ilhaan Omar ayaa sidoo kale booqasho ku tagtay xarunta agoomaha Magaalada Qardho ee daarul xanaan halkaasoo ay wax ku bartaan ku dhowaad 500 arday oo agoon ah waxayna halkaasi ka xustay inay si dhow uga warhayn doonto agoonta magaalada Qardho marka ay ku laabato dalka Maraykankana ay u olalayn doonto sidii agoonta loo garab istaagi lahaa,

Xildhibaanada ayaa sidoo kale booqatay isbitaalka guud ee magaalada Qardho waxayna intaasi kadib kulan balaaran oo qada sharaf ah la qaadatay odayaasha maamulka degmada iyo waxgarad magaalada munaasabadaasi qada sharafta ah ayaa waxa hadalo kooban oo soo dhowayn iyo duco ah ka jeediyay wasiirka maaliyada Maamulka Puntland Cabdillaahi Sheekh, Cabdiqaadir, Siciid Carshe dhaqaahe gudoomiyaha gobolka iyo mas’uuliyin kale waxayna dhamaantood xuseen in Ilhaan ay tahay qof howl kar ah isla markaana ay filayaan in deegaanka sidii wax loogu qaban lahaa in badan ay filayaan inay ka qayb qaadato.

Xildhibaan ilhaan Omar iyo wafdigii ay hogaaminaysay ayaa dib ugu laabtay caasumada maamul goboleedka Puntland ee Garowe

Comments are closed