Akhriso magacyada xildhibaannada maanta ku soo baxay doorashada xubnaha aqalka hoose ee G/Waqoyi

downloadMuqdisho (NN) 25/12/2016

Waxaa mar kale maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho doorashada xubnaha aqalka hoose ee gobolka W/qooyi oo todobaadyadii ugu danbeeyayka socday xarunta gadiidka booliiska ee gobolka Banaadir.

 

Doorashadii maanta ayaa waxaa ku guuleysatay afar xildhibaan oo ka mid noqonaya Aqalka hoose ee beerlamaanka federaalka , waxaana Xildhibaanada la doortay labo ka mid ah ay yihiin Rag halka labada kalana ay yihiin Haween.

[AdSense-A]

Xildhibaannada maanta soo baxay  qaarkood horay uga mid ahaa  Baarlamaanka Federaalka Somalia ee waqtigiisa uu dhamaaday, halka kuwa kalana ay yihiin qaar ku cusub siyaasada Soomaaliya.

Halkan ka Aqriso Magacyada iyo Qabiilada ay kasoo jeedaan Xildhibaanadan

1-Cabdalla Xaaji Cali (Ciise Muuse-Maxamead Ciise)
2-C/Raxmaan Iideen Yoonis (Sacad Muuse- Miikaahiil)
3-Sahra Yuusuf Cige (Sacad Muuse-Cabdalla Obokor)
4-Faadumo Odawaa Raage (Ciise Muuse-Aadan Ciise)

Ugu danbeyntii,  xildhibaannadan  ayaa ku biiraya xidhibaano horay ugu soo baxay kuraasta aqalka hoose ee gobollada W/qooyi oo heer gabagabo ah ku dhaw.

 

Comments are closed