Dawlada Imaaraatka Carabta oo saamayn militari ku yeelaneysa geeska Africa

imaratkaImaaraadka (NN) 26/12/2016

Dawlada Imaaraatka Carabta ayaa saamayn militari ku yeelaneysa geeska Africa, iyadoo taageero militari u fidineysa dalalka gacanka waqooyi bari Africa.

Waqooyi bari Africa ayaa waxaa dhaca ama ku yaala sideed dowladood. waxaa ay siddoo kale dawlada Imaaraatka Carabta halkaa ka heshay labo xero oo militari.

Mid ka mid ah xeryahan ayeey ku leeyihiin  Somaliland halka kan kalana imaaraadku ku leeyihiin Ereteriya, labada xero ayaa muhiim u ah dagaalka Yaman, madaama ay qarka k u hayaan gacanka cadmeed.

Sidoo kale ayaa Soomaaliya gaar ahaan dawlada federaalka iyo Puntland waxay Imaaraadka ka helaan caawimaad militari.

Waxaa dawlada Imaaraatku tababartaa qaar ka mid ah ciidammada dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad gobolleedka Puntland.

Gaar ahaan imaaraadka ayaa gacan weyn ka geystay dhismaha ciidammada booliiska, iyadoo ku deeqday qalab kala gadisan iyo gadiid ciidan.

Ugu danbeyntii, ilaa 2015 waxaa ay dawlada Imaaraadka Carabta la jirtay xulufada Sacuudiga ee la dagaalama Xuutiyiinta Yemen.

 

Comments are closed