Cali Khaliif Galayr” Khaatumo kama mid noqoneyso Soomaaliland

galeydhLaasaacaanood (NN) 26/12/2016

Maxweynaha Maamulka Khaatumo State Prof Cali Khaliif Galayr ayaa shegay in marnaba maamulkiisu ku biiri doonin Somaaliland. Pro Galeyr ayaa sheegay in wadahadalada u socda Somaliland iyo Khaatumo ay ku wajahan yihiin oo kaliya sidii Somaliland iyo Khaatumo nabad ugu wada noolaan lahaayeen iyo daris wanaag. ‘Maamulkeena Khaatumo kuma biiryo maamulka Soomaaliland, taan ayaan idin sheegayaan,

 

waa kulan ku saabsan oo kaliya daris wanaag iyo nabada laga shaqeeyo” ayuu yiri Prof Galeyr Madaxweynaha maamulka Khatumo ayaa sheegay in dhibaatada ugu weyn cid ay ku dhaceyso tahay shacabka labada dhinac, siddaa daraadeed muhiim tahay in laga wada hadlo wixii dhib ah ee jira si meesha loga saaro ismar-waaga mudo dheerba soo jiray ee keenay gacan ka hadal.

[AdSense-B]

Ugu danbeyntii, hadalka madaxweynaha Khaatumo ayaa imanaya xili maalmihii ugu danbeeyayba ay soo baxayeen warar sheegaya maamulka Khaatumo ku biirayaan Soomaaliland.

Comments are closed