DAAWO Hogaamiyaha Japan oo raali gelin ka bixiyey Duulaankii Hawai ee Dagaalkii 2aad – VIDEO

abe-hawai-2016Mareykanka (NN) 27/12/2016

Raysalwasaaraha Japan Shinso Abe ayaa noqday hogaamiyihii ugu horeeyey ee Japan oo booqasho ku taga jasiirada Hawai ee dalka Maraykanka, halkaasi oo ay ciidamada Japan weerareen xiligii dagaalkii 2aad ee Dunnida.

 

Weerarkii gaadmada ahaa ciidamada Japan ku qaadeen 75 sano kahor Saldhigyada ciidamada Bada Maraykanka ee Pearl Harbor ee jasiirada Hawai ayaa ahaa duulaankii ugu cuslaa ee lagu qaado dhulka Maraykanka, wuxuuna weerarkaasi Maraykanka ku khasbay inuu galo dagaalkii labaad ee dunnida oo uu kasoo horjeesto Isbaheysigii Nazigii Hitlerkii Germany iyo Boqortooyadii Japan ka talineysay.

[AdSense-A]

Booqashada Raysalwasaare Abe ayaa jawaab looga dhigayey safarkii uu bishii May ee sanadkan uu magaalada Hiroshima ku tagay Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama oo isaguna noqday Madaxweynihii ugu horeeyey ee Maraykan ah oo booqda magaaladii Maraykanka uu ku dhuftay bambo atoomikada dhamaadkii dagaalkii labaad ee dunnida.

Comments are closed