DAAWO USA: Trump oo cambaareeyey UN-ka isagoo taageeraya Isra’iil – VIDEO

trumMareykanaka (NN) 27/12/2016

Madaxweynaha cusub ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa dhaliilay go’aankii Jimcihii lasoo dhaafay kasoo baxay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee lagu cambaareeyey dhul-boobka Israa’iiliyiinta ka wadaan dhulka Falastiin.

 

Trump oo sida caadada u ah fariimihiisa ku gudbiya bartiisa Twitterka ayaa sheegay in Qaramada Midoobay ay tahay hay’ada aan wax shaqo ah qaban balse ay noqotay goob fadhi ku dirir ah oo ay dadka ku sheekaystaan.

Donald J. Trump  @realDonaldTrump  The United Nations has such great potential but right now it is just a club for people to get together, talk and have a good time. So sad! 

Qaraarka kasoo baxay Golaha Amaanka ayaa xiisad ka dhex abuuray siyaasiyiinta Maraykanka oo iyagu inta badan si indho la’aan ah ku taageera Isra’iil. Waxayna ku eedeeyeen xukuumada xilka kasii dageysa ee Obama inay jabisay dhaqankii hore ee taageerida maamulka Isra’iil.

Maraykanka oo mar walba awoodiisa codka VETO ku difaaci jiray Isra’iil marka la horkeeno arrimaheeda Golaha Amaanka, ayaa markii ugu horeysay muddo 45 sano ah ogolaaday in la meel mariyo qaraarkan lagu cambaareenayo xukuumada Yuhuuda oo lagu eedeeyey inay sii wado boobka dhulka Falastiiniyiinta.

Xukuumada Isra’iil ayaa iyadu horey cadaadis ku saartay Trump inuu arrintan ka hadlyo iyo waliba inuu culeys saaro Dowlada Masar ee uu hogaamiyo Cabdifatax Al Sisi oo iyadu markii hore keentay mooshinkan Golaha Amaanka. Masar oo hada xubin ka ah Golaha Amaanka ayaa dib ulla noqotay mooshinka, walow arrintaasi ay ka dhiidhiyeen afar wadan oo kale oo xubno ka ah Golaha oo iyagu markii danbe mooshinkan mar labaad horkeenay Golaha Amaanka.

Comments are closed