Madaxweynaha Jubbaland ahna Taliyaha guud ee Ciidamada qalabka sida ayaa amar ku bixiyay in Cutubyo katirsan Ciidamada qalabka sida loo diro deegaanada Galbeedka Jubada Hoose halkaas oo dagaalo ay maalmahan ku dhex marayeen Dadka deeganka oo la hubeeyay iyo Kooxda Al-Shabaab.
[AdSense-A]
Cutubyadii ugu Horeeyay ee ka tirsan Ciidamada qalabka sida ayaa gaaray deegaanada ay maalmahii lasoo dhaafay dadka deegaanku kula dagaalamayeen Al-Shabaab si ay u garab istaagan oo ay u kala eryaan Kooxda beegsanaya Dadka Shacabka ah ee aan waxba galabsan.
Howlgalkan oo looga gol leeyahay in Dadka deegaanka laga dul qaado dhibaatada adag ee ay ku hayaan shabaab ayaa la qorsheeyay in uu gaaro ilaa Gobolka Jubada Dhexe halkaas oo ay ururka shabaab mudo badan haysato Dadka deegaankan ay dhib badan ku hayaan.
Kooxda Al-Shabaab ayaa in ka badan 2 kun oo xoolo nool ah gaar ahaan Geel waxaa ay ka dheceen Dadka Xoolo dhaqatada ah ee ku nool Jubada Hoose taas oo sababtay in Dowladu ay hubayso dadka reer miyiga ah si ay isaga Difaacaan cadawga.
Comments are closed