Hadaba Kulankan ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo sheegay inuu kulankan yahay sidii aan wax oogu qaban lahayn bulshada ay samaasay abaarta ay keentay roob yaraantu islamarkaana inagoo kaa shanayna dowlada dhexe aynu si wada jir uga wada shaqayn lahayn, gudashada iyo waajibaadka xilka inaga saran bulshada ay saamaysay abaarta ay keentay roobyaraantu, Sidoo kalana wuxuu madaxwaynuhu xusay in loo baahanyahay inaan badbaadino dadka iyo xoolahaba islamarkaana aan si deg deg ah uga jawaabno baahida bulshada, Sidoo kalana madaamo dadkeenu yahay 80% xoolo dhaqoto inaan u casriyayno xoolo dhaqatonimadkooda.
Ugu danbayna wuxuu madaxwaynuhu xusay in lasameynayo koox wareegta islamarkaana daawaysa xoolaha, Isagoo intaa ku daray in dadka baraagaha iyo booyadaha leh ay caqabad ku yihiin samaynta ceelasha biyaha iyo biyogalinta ka socda deegaanka.
Comments are closed