RW wasaarihii hore ee Soomaaliya ahna musharax u taagan xilka madaxweynaha Max’ed C/llaahi Farmaajo ayaa ka bilaabay magaalada Muqdisho olalihiisa doorasho ee la xiriirta doorashada soo socta.
Farmaajo ayaa magaalada Muqdisho kulankiisii ugu horeeyay kula yeeshay xildhibaannada labada aqal ee laga soo doortay magaalada Kismaayo, isaga oo sharaxaad ka siiyay damaciisa siyaasadeed iyo wax yaabaha u qorsheysan in uu qabto hadii uu xilka ku guuleysto.
“Waxaan rabaa in aan idin sheego dalka uma baahna siyaasad aan hiil u aheyn bulshada, waxaan u baahan-nahay in aan ka dhabayno dhaarta aan dalkan u marnay, waa in aan dhowrnaa dastuurka dalka iyo xeerarka caalamig ah, waa in aan la macaamil-naa aduunka iyo Dowladaha dariska ah”ayuu yiri Musharax Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo
“Waxaan u baahannahay in aan dadajino dhismaha ciidan Qaran oo awood badan leh, si looga adkaado kooxaha xagjirka ah, waxaan ku kalsoonahay in aan ahay shaqsi ay dhab ka tahay noolaynta iyo tayaynta noocyada ciidamada Qaranka iyo hay’adaha nabadgalyada dalka” Sidaasi waxaa yiri Musharax Farmaajo.
Dhamaan xubnihiii ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay ka shaqeyn doonaan sidii ay codad ugu heli lahaayeen musharaxa, iyaga oo dhinacooda balan qaaday in ay codkooda siinayaan.
Waxaa kaloo uu sheegaya xariiqeen in mudane Farmaajo uu yahay hoggaamiye ku habboon in uu dalkaan Madaxwayne ka noqdo, xildhibaannadu waxay xuseen in ay baahi-wayn u qabaan hoggaamiye ummadaan dhiban u dhowro xaquuqdooda si ay waajibaadkooda u gutaan.
Ugu danbeyntii, Kulankan noqonaya kiisii ugu horeeyay tan iyo markii uu dhawaan dib ugu soo laabtay dalka.
Comments are closed