Maamulka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in qof Bam isku soo xiray uu xalay ku qarxay goob maqaaxi ah oo ku taala degmada, kaa oo sababay dhimashada qofkii ismiidaamiyaha ahaa oo kaliya.
Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi Max’ed Cabdulle Fiidoow oo la hadlay warbaahinta gudaha ayaa sheegay in qofkan uu ka mid ahaa dadka deegaanka, hasse ahaatee uusan garaneynin sabab ku kaliftay in uu is qarxiyo.
‘’Qaraxa cid lala eegtay ma jirto, qofkan is qarxiyay waxaa uu yimid goob maqaaxi ah oo ku taala degmada, kadibna halkaa ayuu ku qarxay, annaga ma garaneyno in qaraxu ka dhashay Bam uu sitay iyo in uu ahaa qarax lagu soo xiray, laakiin waxaan kuu xaqiijinayaa in qofkaasi is qarxiyay, cid wax ku noqotayna ma jirto’’ ayuu yiri guddoomiyaha.
Guddoomiyaha ayaa sheegay in isaga oo dhaawac ah la dhigay isbitaalka, kadibna halkaa uu ku dhintay’’ jirka oo dhan ayuu bur buriyay qaraxa anniga ayaa gacanteyda ku qaaday isbitaalka dhigay dhaawacii soo gaaray ayuuna u dhitay’’
Ugu danbeyntii, guddoomiyaha ayaa iska fogeeyay in qaraxa lala eegtay ciidamo ka tirsanaa AMISOM iyo kuwa maamulka.
Comments are closed