Masuuliyiin reer Gaarisa ah oo sheegay in aan hoggaamiyayaal gaar ah lagu qasbin

201612296361857674395756761479028Gaarisa (NN) 29/12/2016

Masuuliyiin reer Gaarisa ah ayaa sheegay inay munaasab tahay inaan hoggaamiyeyaal khaas ah lagu qasbin reer Gaarisa oo aan dusha looga keenin.

Labo masuul oo damacsan inay u loollamaan kuraasta baarlamaanka ee loo qoondeeyay degmada Gaarisa doorashada qaran ee 2017 ayaa sheegay arinkaa.

[AdSense-B]

Waa Aaden Sugow iyo Cabdi Yare. Waxay dadka deegaanka ah uga digeen siyaasiyiinta sida khaldan u doonaya inay codad uga helaan.

Aadan  Sugow ayaa shalay kula kulmay magaalada Gaari qaar ka mid ah odayaasha degmada.

Jimcihii lasoo dhaafay, odayaasha, culimaa’udiinka, siyaasiyiin iyo ganacsato ka soo jeeda beelaha Samawathal iyo Abduwak ayaa ku kulmay Nairobi una soo qorsheeyay Cali Qorane in uu u tartamo gobernatooraha Gaarisa, Yuusuf Xaaji sanator Canab Subowna wakiilka dumarka.

Si kastaba ha ahaatee, Sugow ayaa sheegay in iskaashiga qabaailada ay horseedaan musuq.

‘Dadkaa la xushay ayadoo diyaarin la adeegsanayo shacabka ogolaanshiyo kama heystaan’. Sidaa ayuu yiri Sugow.

Ugu danbeyntii, wuxuu dadka deegaanka ah ee Gaarisa kula dardaarmay in ay diidaan kooxda Nairobi.

Comments are closed