Mareykanka iyo Ingariiska oo u digay cidii ku xad gudubta doorashada Soomaaliya

201612296361858067209027872016122863618550982253762327926249236_b5fbd7f202_bMareykanka (NN) 29/12/2016

Dawladaha Mareykanka iyo Ingiriiska ayaa u digay wixii ku xad gudba doorashada Soomaaliya.

 

Dawlada Mareykanka ayaa shaaca ka qaaday in ay tilaabo ka qaadi doonto Soomaali Mareykanka dhibaatada ku ah hannaanka doorashada ee Soomaaliya.

[AdSense-B]

Waxaa qoraal arinkaa ka hadlaya lasoo dhigay barta twitterka ee safaarada Mareykanka ee Soomaaliya.

Dhanka kale, safiirka Ingiriiska ee Soomaaliya Harriett Mathews  ayaa ka jawaabtay farriintaa ayadoo sheegtay in sidoo kale Qodobka Ingiriiska ee ka dhanka ah Laaluushka uu qabanayo muwaadiniinta Ingiriiska ah ee doorashooyinka ka qeybqaadanaya dibada dalkaa.

Waxay dabcan sidaa ugu goodinaysay ama ugu digeysay Soomaali Ingiriiska lugta ku leh doorashada Soomaaliya!

Farriimahaa ayaa u eg kuwo lagu xusay bayaan maalin ka hor ay soo wada saareen Mareykanka, Ingiriiska, Midowga Yurub, IGAD iyo QM iyo weliba dalal kale oo qaarada Yurub kuyaala.

Bayaankaa ayaa walaac looga muujiyay wax isdaba marin hannaanka doorashada Soomaaliya lagu sameeyay.

Ugu danbeyntii, dad badan ayaa u arkaya farriimahan faragalin ka dhan ah madax bannaanida dalka Soomaaliya iyo hannaankiisa doorasho.

 

Comments are closed