Tartankaan waxaa uu ahaa sanadkii 6aad waxaana lagu kala gulaystaa abaalamirino kala gadisan oo ay la socdaan lacag kaalimiha kala duwan ardayda kuguulaysato ay helaayaan.
Kaalimaha ugu sareeya ee tartanka ayaa waxaa kuguulaystay 18 arday waxaana 14 kamida kuguulaystay arday kasocotay dugsiyadda Soomaalida ee gobolka Minnesota too kala ahaa 11 arday Dugsiga Abuubakar, 2 arday dugsiga Karmel, 1 arday dugsiga Rawda, halka 4 arday ee kale ay kayimaadeen gobolka Nashville
Ardayda DugsigaAbubakar As-Saddique Islamic Center (Minneapolis) ayaa wacdaro kamuujiyey tartankii Qur’anka MAS-ICNA ee 2016.
Waxaa lagu tartamayey 6 qeybood (30 juz, 25 Juz, 20 juz, 15 juz, 10 Juz, iyo 5 juz) waxaana la abaalmariyey sadexda kaalimood ee ugu horeeya qeyb kasta.18 arday guud ahaan.
Ardayda Abubakar waxay kuguulaysteen 11 kaalimood oo u dhiganta 60% dhamaan qeybihii lagu tartamay oo ay kaalimaha hore ee la abaalmariyey galeen.
Waxaa xusid mudan in dhamaan ardayda gashay dhamaan kaalimaha hore ay ahaayeen arday Soomaaliyeed oo badankood ku dhashay dalkaan Maraykanka .
Ugyu danbayntii waxay kala ahaayeen magacyada ardayda iyo kaalimaha ay kala galeen sidan hoos ku qoran:
30 juz:
1- Ahmed Mohamed AAIC
2- Abdiqani Yahye Faruq, Nashville
3- Aisha Warsame AAIC
25 juz:
1- Awo Salad -AAIC
2- Rahma Mohamed -AAIC
3- Mohamed Abdi- karmel
20 juz:
1- AdnanYuusuf -Faruq, Nashville
2- Ruweyda Kassim -AAIC
3- Samira Ahmed AAIC
15 juz:
1- Rowda Qassim AAIC
2- farhiya Sheik Adam Karmel
3-Warsame Duale AAIC
10 juz:
1- Salman Warsame – Rawdah masjid
2- NastehaGelle AAIC
3- Fartun Wako AAIC
5 juz:
-1 sumaya Ibrahim -Faruq Nashville
2 Amal shire AAIC
3-Hamza Osman – Faruq Nashville
Comments are closed