Shariif Xasan oo Ka Hadlay Rajadiisa Inuu Noqdo Madaxweynaha Soomaaliya

shariif-xasanMuqdisho (NN) 30/12/2016

Madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo ka mid ah madasha hoggaanka qaran,  ayaa markii u horreeyay  ka hadlay murashaxnimadiisa madaxweynaha soomaaliya, kuraasii lagu kordhiyay xubnaha aqalka sare, eedaha musuqmaasuqa ee hareeyay doorashadda, walaaca beesha caalamka iyo socdaalkiisa addis Ababa.

 

Shariif Xasan oo waraysi gaar ah siiyay VOA-da, isagoo ku sugan magaaladda Adis-ababa ee Dalka ethiopia ayaa sheegay inay dan iyo maslaxo soomaaliyeed u arkeen inay 18 xubnood ay ku kordhiyaan aqalka sare, ayna tahay mid kumeel gaar ah.

[AdSense-A]

“madashu waxay ku dadaalaysaa  mashruuca horusocodkiisa,oo ay mar kasta ka fikiraysaa, haddana madashu waa ogoshahay in sharciyada la waafajiyo, in dadka laga qanciyo, in beesha caalamka laga qanciyo” ayuu yiri,

Mar uu ka hadlay Musuqmaasuqa ka dhacay xubnaha aqalka hoose ee barlamaanka, oo guddiga xalinta khilaafaadku ay dib u celiyeen, wuxuu sheegay in aad u adagtay in la qanciyo dadka, hase yeeshee uu ku farasan yahay in kuraasta la soo celiyay ay %1 ay ka yihiin xildhibaanada lagu soo doortay magaaladda Baydhabo

“ waxaan ognahay maamul goboleedkayaga, dad tartamayay, oo hadana laga guulaystay, hadana dacwo qaba ayn aragnay, marka 69 kursi in  5 kursi oo kaliya laga hadlo oo %1 ka ah, waxaan aamisanahay in horumar iyo guul ay sameeyeen” ayuu yiri.

Dhinac kale, shariif xasan wuxuu sheegay in weli yahay murashax u taagan doorashadda madaxtinimadda Soomaaliya, uuna rajaynayo inuu ku guulaysto

“maamulka koofur galbeed ee fulinta, barlamaanka, odoyaasha dhaqanka iyo shacweynaha reer koonfur galbeed ayaa murashaxnimadayda lagala soo tashaday, diyaar ayaana u ahay inaan tartamo”

Gabagabadii, Madaxweynaha Koofur Galbeed Waxaa la waydiiyay ujeedada Socdaalkiisa adis-Ababa, wuxuu sheegay inuu ka yimid dalka sucuudiga Carabi oo uu soo cimraystay, dhowaana uu ku laaban doono magaaladda muqdisho oo uu ka bilaabi ololahiisa doorashadda.

Comments are closed