DAAWO Xukuumada Masar oo Ansixisay Wareejinta 2 Jasiiradood – VIDEO

A handout picture provided by the Saudi Press Agency (SPA) on March 10, 2016 shows Saudi King Salman bin Abdulaziz (L) and Egyptian President Abdel Fattah al-Sisi attending the Northern Thunder military exercises in Hafr al-Batin, 500 kilometres north-east of the Saudi Capital Riyadh.  Warplanes roared overhead, tanks rumbled across the desert and smoke filled the sky for the final day of what Saudi Arabia billed as the region's biggest-ever military exercises. The 12-day "Northern Thunder" manoeuvres in the kingdom's northeast included 20 nations from the Middle East, Africa and Asia, Saudi officials said. / AFP PHOTO / SPA / STRINGER / === RESTRICTED TO EDITORIAL USE - MANDATORY CREDIT "AFP PHOTO / SPA / HO" - NO MARKETING NO ADVERTISING CAMPAIGNS - DISTRIBUTED AS A SERVICE TO CLIENTS ===

Masar (NN) 30/12/2016

Xukuumada Masar ee Cabdifutax Al Sisi ayaa Khamiistii shalay ansixiysay in ay labada jasiiradood Tiran iyo Sanafir ku wareejiyaan Boqortooyada Sacuudiga.

 

Go’aankan ayaa waxaa horey si weyn u cambaareeyey aqoonyahanada dalka Masar iyo Sharci-yaqaanada dalkaasi oo dacwad u gudbiyey Maxkamada Sare, dacwadaasi oo ay Xukuumada Racfaan ka qaadatay ayaa la filayaa in go’ aankeeda ku dhawaaqdo 16 bisha soo socota ee Janaayo.

[AdSense-A]

Jasiiradaha Tiran iyo Sanafir ayaa ahmiyad gaar ah ullahaa dalka Masar, isla markaana u dhaw dhulka ay Isra’iil maamusho, waxayna Masar horey jasiiradahaasi ugu adeegsatay inay ka xakameyso Isra’iil dhanka dhaq dhaqaaqa Maraakiibta ee bada Cas.

Go´aankan ayaa yimid kadib booqashadii uu bishii April ee sanadkan ku tagay dalka Masar Boqor Salaamka Sacuudiga, waxayna dowlada Sacuudiga heshiis maalgashi ah oo Balaayiin dollar ku kacaya la gashay dowlada Masar.

Madaxweynaha Masar SISI ayaa sheegay in go´aanka Jasiiradaha Tiran iyo Sanafir uu u siiyey Sacuudiga ay tahay Mahadnaq taageeradii dhaqaale ee dowlada Sacuudiga u fidisay dalka Masar sanadihii lasoo dhaafay.

Labada Jasiiradood ee Tirana iyo Sanafir oo ku taal bada cas una dhaxeysa dalalka Masar iyo Sacuudiga ayaa waxaa awood military ku qabsaday dalka Masar 1950kii, waxayan jasiiradahaasi kaalin weyn ka ciyaareen dagaalka u dhaxeeyey Masar iyo Isra´iil, iyadoo Madaxweynihii xiligaasi Jamaal Cabdinaasir uu jasiiradahaasi uu ka dhigay goob uu ka xayiro maraakiibta u socotay Isra´iil. Walow aan jasiiradahaasi ahayn kuwo la degen yahay, hadana ahmiyad gaar ah oo military iyo istraatiiji ayey u ahayd dalka Masar.

SISI ayaa u baahan inuu helo taageerada Baarlamaanka Masar oo ay tahay inay ansixiyaan go´aankan Madaxtooyada, hase yeeshee shacabka Masar ayaa si weyn uga horyimid in dalka Sacuudiga lagu wareejiyo Jasiiradahan, kacdoonkan ayaa sidoo kale laga dareemay baraha internetka oo ay dadka ku sheekaystaan iyo qaar kamid ah Telefishinada dalka Masar.

Waxaa go´aankan sidoo kale cambaareeyey xisbiga Ikhwaan Muslimiinka, halka kuwo kalena ay sheegeen in SISI uu doonayo inuu xulafo qarsoodi ah la sameysto Isra´iil iyo Sacuudiga iyagoo sadexadaas dal isu baheysteen dagaalka ka dhanka ah IRAN.

Horaantii sanadkan Wasiirka Isra´iil ee arrimaha Militariga Moshe Ya’alon ayaa saxaafada u sheegay in Isra´iil ay si dhaw ulla socotay heshiiska Jasiiradahan lagu wareejinayo Sacuudiga, isla markaana soo dhaweenayaan heshiiskan.

Buundo Isku xirta Masar iyo Sacuudiga
Boqorka Sacuudiga Salmaan oo 8dii bishan April kulan la yeeshay Madaxweynaha Masar SISI xili uu dalkaasi booqasho ku tagay ayaa sheegay in Sacuudiga uu buundo weyn ka dhisi doono Bada Cas isku xirta labada dale ee Sacuudiga iyo Masar.

`..Arrintan waxay noqon doontaa mid isku xirta labada dal ee walaalaha ah iyo waliba Labada Qaaradood ee Afrika iyo Aasiya, waxayna sare u qaadi doontaa dhaqaalaha iyo ganacsiga labada dhinac…` ayuu yiri Boqor Salmaan xiligii uu booqashada ku joogay dalka Masar.

Buundadan ayaa la sheegay in dhererkeeda uu ahaan doonaa sida la qorsheeyey 25km oo ay isticmaali karaan gaadiidka caadiga ah iyo kuwa xamuulka qaada, waxaana la sheegay in mashruucan uu ku kici doono 6 bilyan oo dollar isla markaana qaadan doono dhowr sanadood dhismihiisa.

Boqorka Sacuudiga ayaa sheegay in Buundadan magaciisa loo bixin doono lagu magacaabi doono Salmaan Bridge.

Comments are closed