Dowlada Burundi oo ku hanjabtay in ay ciidamadeeda kala baxeyso Soomaaliya

2016123163618745587761359120161231636187446997090515150517-burundi-16hBurundi  (NN) 31/12/2016

Dawlada dalka Burundi ayaa sheegtay inay Soomaaliya ka saarayso ciidamo 5000 ka badan kadib markii gunooyinkii laga goostay. Ciidamadaa ayaa dhan 5500. Shalay Jimcihii ayaa dawlada dalkaasi sidaa ku goodisay. Gunooyinkii sanad ayaan ciidamadaa lasiin. Midowga Yurub oo bixin jiray qarajkaa ayaan bixin. Dawlada dalka Burundi ayaa sheegtay inay ciidamadaa la bixi doonto sanadka cusub ee 2017 hadii wax xal ah aan arinkaa laga gaarin.

 

Madaweynaha dalkaa Pierre Nkurunziza ayaa sidaa sheegay. Midowga Yurub ayaa kharajka ka jartay ciidamada Burundi kadib markii dawlada Burundi uu ku eedeeyay inay ku xad gudubto xaquuqul insaanka. Boqolaal qof ayaa la sheegay inay ku dhinteen rabshado ka dhacay Burundi dhawaan.

Comments are closed