Sanadka cusub ee miilaadiga ee maanta taariikh kow ay tahay bishiisa Janaayo 2017 ayaa aad xalay looga soo dhaweeyay caasimada xarunta dawlad deegaanka somalida Itoobiya ee Magaalada Jigjiga.
Bulaleyr ama baaruut ayaa la ridayay xalay laga soo bilaabo bartamihii habeynimo ama saqdii dhexe. Sanadkaan cusub ayaa waxay dadku rajeynayaan barwaaqo iyo horumar.
Shacabka ku dhaqan Caasimada Magaalada Jigjiga ayaan aad ugu dabbaal dagin. Intooda badan ma dabbaal dagaan sanadka cusub sababtoo ah waa Muslimiin sanadkuna waa miilaadi ee maahan sanadka kalendaariyaha Muslimiinta ee taariikhda Hijrada.
Hal hal habow ah oo kala garan waayay waxa uu samaynayo ayumbaa caalamka intiisa kale raaca oo la arkaa asagoo leh ‘waxaan soo dhaweynayaa sanadka cusub’.
Shacabka DDSI ayaa waxa ay aad uga filayaan sanadkaan 2017 waxay ku hareereysan yihiin dhaqaale.
Daraasad dhawaan ay soo saartay hayada cilmi baarista ee deegaanka ayaa xustay in 25% ay rajeynayaan lacago badan inay helaan sanadkaan cusub ee 2017, 21% shaqooyin halka 20% ay sheegeen inay rajeynayaan inay dhistaan guryo ama ay gataan.
Comments are closed