Xildhibaanadag golaha Wakiiladda ayaa buuq ka dhashay ka dib markii xildhibaanadda qaarkood soo jeediyey in duuduub lagu ansixiyo, halka qaar kale soo jeediyeen in laga dooddo miisaaniyadda ama dib loo celiyo.
Fadhigan golaha waxa shirgudoomineyey gudoomiyaha golaha C/raxmaan Maxamed C/laahi Cirro ayaa golaha hor dhigay in miisaaniyadda laga doodo iyo in duuduub lagu meel mariyo, waxaana xildhibaanaddu intoodda badan soo jeediyeen in duuduub lagu ansixiyo, taas oo keentay inuu buuq ka dhasho.
Gudoomiyaha golaha oo natiijada codeynta ku dhawaaqayey ayaa sheegay in 43 xildhibaan ogolaadeen in duuduub lagu ansixyo, halka 17 qofna diideen, lix mudana ka aamuseen.
Miisaaniyaddii ugu horeysay ee si duuduub ah loo ansixyo,iyadoo laga doodin, waxaana barigii hore xildhibaanaddu wax ka bedel iyo kaabis ku samayn jireen qaabka loo soo qorsheeyey miisaaniyadda, taas oo laga doodi jiray ka dibna wasiirka Maaliyadda su’aallo laga waydiin jiray, haseyeshee doorkan ma jirin.
Miisaanidda sanadkan 2017 ayaa la sheegay inay dhan tahay $362,517,393 dollar, waxaana la sheegay in miisaaniyaddii sanadkii hore ka badan tahay 27.5% tii sanadkii hore.
Arrintan duuduub ku ansixinta miisaaniyadda ayaa la sheegayaa inay sabab u tahay in aqla biyadda golaha Wakiiladdu muxaafad yiihiiin, isla markaana ay ku xumaynayaan gudoomiyaha golaha Wakiiladda iyo xildhibaanadda taageersan oo iyagu xisbi mucaarad ka soo jeedda, kuwaas oo aan jeclayn in duuduub lagu ansixiyo.
Comments are closed