Tababar Ku Saabsan Maaraynta Xogaha Caafimaadka Oo La Soo Gabagabeeyay

cafmiadkJigjiga (estvlive) 07/01/2017

Waxaa lagu soo gabagabeeyay hoolka shirarka ee kuliyada maaraynta  iyo adeega shacabka DDSI tababar ku saabsan  maaraynta iyo tayaynta xogaha caafimaadka  oo ku salaysan   adeegsiga  aaladaha casriga ah.

 

Tababarkan oo uu soo diyaariyay xafiiska caafimaadka DDSI oo  muddo 6 maal-mood ah socday ayaa waxaa loo hayay 82 xubnood oo ka kala socday xarumaha caafimaadka iyo xafiisyada caafimaadka ee degmooyinka gobolada Faafan, Nogob, Erer, Siti iyo maamulada magaalooyinka Wajaale, iyo Qabribayax.

 

[AdSense-A]

Waxaana, soo xidhitaankii tababarkan ka hadlay gadhwadeenka geedi socodka qarshaynta iyo dabagalka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Maxamed Ayaanle Xasan oo ka warbixiyay ahmiyada uu lahaa tababarku wuxuuna sheegay in xukuumada DDSI gaar ahaan  xafiiska caafimaadka DDSI dadaal aan kala go’lahayn ugu jiro sidii bulshada deegaanka loo gaadhsiin lahaa adeegyo caafimaad  oo tayaysan islamarkaana deg degsiimo leh. Gadhaweenka ayaa sheegay in tababarkan uu ahaa mid ahmiyad balaadhan u leh adeegyada caafimaadka ee xarumaha caafimaadka gaar ahaan dhinaca maaraynta xogaha caafimaadka .  isaga oo ku booriyay tababartayaasha qaatay tababarkan in ay marka ay ku noqdaan goobahoodii  shaqo ay ka midho dhaliyaan cashiradii ay ku barteen tababarka.

0000aaca2Waxaa kale oo ka hadlay soo xidhitaankii tababarka iskuduwaha dabagalka xogaha caafimaadka ee xafiiska caafimaadka DDSI mudane Wali Axmed Nuur oo sharaxaad  dheer ka bixiyay ujeedooyinka laga lahaa tababarka. Wuxuuna sheegay in uu ahaa tababar lagu xoojinayay hirgalinta nidaamka maaraynta xogaha caafimaadka  iyo  helitaanka xogaha caafimaad ee deg dega ah  gaar ahaan xogaha caafimaadka hooyada iyo dhalaanka. Isaga oo intaa ku daray in nidaamka  maaraynta xogaha caafimaadka ee la hirgalinayaa yahay mid lagu salaynayo aaladaha  moobilka oo xogaha caafimaadka laga helidoona lays kuguna  gudbindoono aalada  moobilka taasi oo wax wayn ka qaban doonta ayuu yidhi dadaalada loogu jiro ka midho dhalinta qorshayaasha caafimaadka iyo gaadhsiinta bulshada deegaanka adeeg caafimaad oo tayadiisu sarayso.

Comments are closed