Barnaamijkan oo uu telefishinka diyaarinayey muddo bilo ah ayaa waxaa si qarsoodi ah looga duubay qaar kamid ah Saraakiisha ka shaqeysa safaarada Israel ku leedahay magaalada London, isla markaana saraakiisha Israel u qaabilsan dhexgalka siyaasiyiinta iyo Xisbiyada reer UK iyo qaabka ay daacayada ugu furan xildhibaanada iyo siyaasiyiinta kale oo ay u arkaan inay taageersan yihiin Falastiiniyiinta.
Israel ayaa kooxo sirdoon ah u sameysay inay dhinaca siyaasada kala dagaalamaan dhaq dhaqaaqa xoogaleh ee ka socda wadamo badan oo reer Galbeedka ah oo ay wadaan dadka taageersan Falastiin, kuwaasi oo olole ugu jira inay Israel ay go’adoon siyaasadeed iyo mid dhaqaale geliyaan si ay loo helo xaquuqda shacabka Falastiin. Dhaq dhaqaaqan oo sanadihii lasoo dhaafay kusii xoogeysanaya Europe iyo Maraykanka ayey Israel dagaal xoogleh ugu jirtaa inay ka hortagto.
Hoos ka daawo qeb kamid ah Barnaamijkan:
Comments are closed