Goobjooge ku sugnaa halka uu dilku ka dhacay ayaa horseed media u sheegay in goobta dilku ka dhacay ay hayd bartamaha magaalada Bosaso, gaar ahaan wadada weyn oo xiligaas aad u mashquul ahayd, dad iyo baabuur badanina ay marayeen
“ markii hore dhowr xabadood ayaa dhacay, ka dibna rasaas badan oo ciidamadii ku sugnaa halka dilku ka dhacay ay ridayeen ayaa dadkii argagax ku riday, dadkii waratadaa ah iyo kuwii wadada laamiga marayay waa ay kala carareen, jahwareer ka dhacay, intaas ayaan ku sheegi karaa” ayuu yiri goobjoogahan.
Horseedmedia waxay kaloo la xiriirtay cusbitaalka Dowladda ee Bosaso, halkaasi oo la geeyay askartii la dilay, waxayna saraakiisha cusbitaalka noo sheegeen in labada askari midkood isagoo mayd ah la keenay Cusbitaalka, halka askariga labaad isagoo dhaawac culus qaba la keenay , hase yeeshee islamarkii la keenay ayay naftu ka baxday.
Saraakiishu waxay intaas ku dareen in rasaastu ay askarta ka haleeshay madaxa iyo caloosha, Sidoo kale ma jirto madax ka tirsan maamulka gobolka bari iyo dowladda dhexe oo ka hadashay dilka ka dhacay magaaladda Bosaso.
Gees kale, ciidamada amniga Puntland ayaa xiray qaar ka mid ah wadooyinka magaaladda Bosaso, waxaana fiidnimada caawa la arkayay askar koox koox u socoto oo xaafadaha magaaladda gaafwareegaya, waxaa kaloo la soo sheegay in guddiga amniga gobolka bari ay shir deg deg ay ka yeesheen dilalkii u dambeeyay ee ka dhaca Bosaso.
Gabagabadii, Dilalka loo gaystay askartan waxay ku soo beegatay, iyadoo dagaal culus uu xalay ku dhexmaray tuulada af-urur ciidamadda Dowladda Puntland iyo maleeshiyaadka Al-shabaab, waxaana dagaalkaas ku dhintay 7 qof.
Comments are closed