Ku dhawaad 15 guri ayaa ku burburay shilka diyaaradda, waxaana la sheegayaa in tiro caruur ah ku jiraan dadka ku dhintay shilka diyaaradeed, oo gaaraya 32 ruux.
“Waxaan tacsideena la wadaageygaa dadka ehelkooda ku waayay shilka diyaaradeed ee ka dhacay Kyrgyzstan”ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay shirkada duulimaad ee dalka Turkiga.
Sawiro laga soo qaaday burburka diyaarada ayaa muujinaya iyada oo dab iyo qiiq uu ka baxayo, waxaana burburay guryo badan oo ay ku dul dhacday.
Ugu danbeyntii, waxaa soo baxaya warar sheegaya in mid kamid ah shaqaalaha diyaarada uu ka badbaaday shilka diyaaradeed, waxaana diyaarada la socday ugu yaraan afar ruux, sida masuuliyiinta dowladda u hadashay ay sheegayaan.
Comments are closed