‘’Xili danbe oo dadka inta badan ay hurdeen ayeey aheyd markii uu dabka qabsaday reerkan, wax gurmad ah ma aysan helin, goobta waxaa ku dhintay saddex wiil iyo gabar oo qoyska ka tirsanaa, sidoo kale wiil iyo hooyadii reerkana dhaawac ayaa soo gaaray waxaana loo qaaday oo la dhigay isbitaal ku yaala magaalada Gaalkacyo’’ ayuu yiri C/risaaq Axmed.
Mar uu ka jawaabayay su’aal aheyd sida uu dabkan u kacay ayuu sheegay in ilaa iyo hada baaritaanka arintaa ku saabsan la wado, hasse ahaatee hooyada reerka ay tilmaamtay wiil ay walaalo yihiin oo sida ay hadalka u dhigtay u maleynayso in uu dabka ka danbeeyay.
”Baaritaan ayaa socda, laakiin hooyada reerka waxaa ay inoo sheegtay in ay shaki ka qabto wiil ay walaalo yihiin oo sida ay sheegtay u dhaartay, waa tuhun oo kaliya, laakiin baaritaan ayaa socda” ayuu yiri guddoomiyaha.
Ugu danbeyntii, dhacdadan ayaa waxaa siweyn uga naxay dadka deegaanka oo saakay isugu soo baxay guriga uu dabka qabsaday.
Comments are closed