Maareeyaha ayaa sheegay Talaabooyinka horumarka ah ee ka taaabo galay DDSI uu yahay mid salka ku haysa kor u qaadida iyo wanaajinta nidaamka dakhliga DDSI isaga oo tilmaamay maareeyuhu in xukuumada DDSI dadaal xoogan ugu jirto ka midho dhalinta istaraatajiyadaha, jihooyinka, tiirarka iyo yoolasha u dajisan deegaanka iyo dalka ee uu wadanku kaga mid noqonayo wadamada dhaqaalahoodu dhex dhexaadka yahay kuwa ugu horeeya taasina ay lafdhabar u tahay kor u qaadida ilaha dakhliga deegaanka.
maareeyaha ayaa ka warbixiyay qorshihii u dajisnaa wakaalada dakhliga DDSI ee 6dii bilood ee sanadkan in sidii loogu talagalay loo fuliyay iyada oo wakaalada dakhliga DDSI ka duulaysa xoojinta iyo abuuridashaqo natiijo keenta oo ka hufan musuq taasi oo dhiira galisa in cashuur bixiyayaashu rabitaankooda xili-cashuureed ku bixiyaan dakhliga ku waajibay iyo in sare loo qaado muga cashuur ururinta deegaanka si bulshada looga faaiideeyo barnaamijyada horumarinta. maareeyaha ayaa tibaaxay in 6dii bilood ee la soo dhaafay iyada oo laga duulaya daboolida qorshihii dakhliga DDSI ay degmooyinka deegaanka, maamulada magaalooyinka, iyo heer deegaanka sidii loogu talagalay u soo xereeyay dakhligii qorshaysnaa 6dii bilood.
Ugu danbayntii maareeyaha ayaa ka warbixiyay xuska todobaadka dakhliga Dalkeena itoobiya oo ay sanadkan martigalisayso xukuumada DDSI islamarkaana wakhti dhaw lagu xusayo caasimada DDSI ee jigjiga taasi oo ay wakaalada DDSI oo kaashanaysa xafiisyada ay baw-wadaagta yihiin diyaar-garow ugu jirto martigalinta xuskan todobaadka dakhliga oo ah xus sanad leh ah oo lagu xuso sanadba deegaan ka mid ah deegaanada dalka
Comments are closed