Waxaa ka soo qeybgalay masuuliyiin iyo wasiiro ka tirsan Khaatumo State Of Somalia iyo dad weyne aad u badan oo reer Columbus ah iyada oo ay ka Heesayeen Fanaaniin Soomaaliyeed oo ay ka mid ahayeen Boqol, Hodan C/rixman, Safiyo Tusmo iyo kuwo kale oo badan.
Masuuliyiintii ka socday Khaatumo ayaa xusay ahmiyada midnimada Soomaaliya u leedahay qaranimada, iyo in la helo hanaan dowladeed oo cadaalad ku salaysan iyada oo laga fikirayo qaladaad si shaqsi ah loo galo in aysan dhicin isla markaana la raadiyo jiritaankii Soomaali mid ah.
Waxay aad walaac uga muujiyeen hanaanka Dhismaha maamulada dalka oo aysan dowladii xiligeedu dhamaaday si cadaalad ah uga shaqeyn dhamaystirka Maamulo ku dhisan Awooda shacabka iyo deegaanka.
Xaalada Abaaraha dalka ka jira ayay xuseen in ay tahay mid aad u daran una bahan gurmad qaran iyo mid Caalami ah, iyaga oo Alle uga baryay in uu dadka Abaaraha ka saaro oo uu Madar qeyr qaba siiyo.
Xaflada oo laga qaaday Heeso Wadani ah, Gabayo, iyo sugaan kala gadisan waxay ahayd mid aad u soo jiidatay ka soo qeybgalayaasha.
Comments are closed