Dawlada Soomaaliya oo sheegtay inay soo daabici doonto lacag

bbMuqdisho (estvlive) 12/02/2017

Dawlada Soomaaliya ayaa sheegtay inay soo daabici doonto lacag arintaana ay iminka ku talo jirto.

Sanadkaan ayaa lagu wadaa in dawladu lacago shilin Soomaali ah ay soo daabacdo. Waa markii ugu horeysay ee dawladu lacag ay soo daabacayso laga soo bilaabo markii dawladii dhexe mar burburtay sanadkii 1991.

Madaxa Baanka Dhexe ee Soomaaliya, Bashiir Ciise Cali ayaa warbaahinta u sheegay in qabanqaabooyinkii farsamo ay idlaadeen iminka, waa qabanqaabooyinka loogu jiro soo daabicida lacgtae.

 

Dawlada haatan Soomaaliya ka jirta ayuu sheegay inay diyaar u tahay inay fan gareyso ama qarash gareyso soo daabicida lacagtaa.

Lacagihii Soomaaliya ayaa la diiday intoodii badnaa sida 10ka, 20ka, 50ka, 100ka iyo 5ta boqol inta badan dalka waxaana diiday dadka ayadoon la ogaan waxay ku qoonsadeen lacagtooda waxaan ka ahayn kunka kaasoo asna sii daba yar.

lacgaha qalaad siiba doolarka Mareykanka iyo lacagaha elektaroonigga ah ee taleefanada lagu xawilo ayay markaa noqotay in wax lagu kala gato qeybo badan oo dalka ah.

Iminka ayaa lacagta lasoo daabacayo ay ku kaceysaa ilaa $60 malyan.

 

Comments are closed