Nabadoonka Muqdisho lagu dilay oo kamid ahaa ergadii Galmudug wax ku doortay…

bistoladMuqdisho (estvlive) 14/02/2017

Dableey Bastoolado wadatay ayaa Nin Nabadoon ah oo lagu Magacaabo Bashiir Maxamed Cali Xagaleey  ku Dishay Waaxda Taleex ee Degmada Hodan Ee Magaalada Muqdisho.

Xagaleey ayaa kamid ahaa Ergadii Magaalada Cadaado tagay islamarkaana ku soo doortay Xildhibaanada ayaa horay u daganaa magaalada Muqdisho.

 

Waa Qofkii 13-aad ee Ergada kamid ah oo lagu dilo Magaalada Muqdisho iyadoo maamulka Gobolka Banaadir uusan waxba ka qaban arintaasi.

Isla Degmada Hodan Habeno ka hor waxaa lagu dilay mid kamid ah Ergadii tagtay Cadaado isla markana halkaasi ku soo doortay xildhibaanada.

Ujeedka loo beegsanayo Ergada wax soo dooratay ayaana la ogeen hase yeeshee waxaa loo badinayaa in ay ka danbeeyaan gacmo siyaasadeed iyo kooxaha nabad diidka ah.

Comments are closed