Kulan Lagaga Hadlayay Arrimaha Xuquuqul Insaanka Oo Ka Furmay Jigjiga

ddsi1Jigjiga (estvlive) 25/02/2017

kulankan oo uu soo diyaariyay xafiiska cadaalada iyo xeer ilaalinta guud ee DDSI iyo komishinka xuquuqul iinsaanka heer federal oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan masuuliyiinta xafiisyada heer deegaan ayaa ka furmay hoolka shirarka ee qaryaan dhoodaan.

 

ddsi3Hadaba furitaankii kulankan ayaa aqoon iswaydaarsiga ah ayaa waxaa ugu horayn furay afhayeenka golaha xildhibaanada DDSI Ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane Maxamedrashiid Isaaq oo uu wahelinayay komishineer ku xigeenka komishinka xuquuqul insaanka JDFI mudane Ishaytu Gabre ayaa sheegay inuu kulankani yahay siidii loosii xoojin lahaa arrimaha xuquuqul insaanka gaar ahaan arimaha xeerka qoyska oo ah xeer ka hirgalay dalkeena itoobiya islamarkaana loo bahanyahay in sidii loogu talagalay loo dhaqangaliyo, Iyadoo masuuliyiintu xusay in deegaankeenu lagu aamanay ka qaybgalkahaweenka dhanka siyaasada oo ay ka badiyeen heerka ay oogu talagashay dowlada federalka.

ugaas hassanSidoo kale afhayeenka ayaa waxaa uu aad uga waramay doorka ay siisay xukuumada ddsi xuquuqaha haweenka gaar ahaan dhinaca siyaasada, dhaqaalaha iyo guud ahaanba ka qaybta galka haweenka, Iyadoo si qoto dheer loogaga hadlay shuruucaha caalami ee xeerinaya xuquuqaha caruurta iyo haweenka.

ddsi2Ugu danbayna waxaa dhankooda ka hadlay masuulyiinta xafiisyada kaladuwan ee heer deegaan oo ka dooday kulankan iyagoo soo dhigayay sida oogu macquulsan ee lagusii xoojin karo arrimaha xuquuqul insaanka khaasatan arrimaha qoyska islamarkaana loo dhaqan galin lahaa bayaanada ka hadlaya arrimaha xuquuqul insaanka khaasatan arrimaha qoyska.

Comments are closed