kullankan oo lagu qabtay Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa intii uu socday Waxaa lagu soo bandhigay daraasad muddo laba bil ah laga sameynayey xaaladda Dhaqaale iyo Ciidan ee uu boliisku ku sugan yahay, si ay boliisku ugu suurta gasho inuu si hufan u guto hawlihii loo egmaday.
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa kulanka ka sheegay in saraakiisha Ciidanka ay diyaar u yihiin sidii Midowga Yurub ay ugala shaqeyn lahaayeen hawlaha dib u habeynta Ciidanka.
Gabagabadii Shirka Waxaa hadalka qaatay Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Mudane Maxamed Aadan Farkeeti, isagoo dhankiisa caddeeyey in Boliisku uu tusaale yahay dib u habeynta Ciidamada Amniga Dalka.
H
Comments are closed