Waxaa manta Magaalada Jigjiga Lagu qabtay Xaflad sidii loo xoojin lahaa ka qeyb qaadashada dhismaha Biyo xidheenka Abbay waxaana ka soo qeybgalay Masuuliyiin sare heer deegaan ah islamarkaana waxaa horkaceysay Madaxweyne Kuxigeenka DDSI ahna wasiirka Xafiiska Beeraha iyo Horumarinta Khayraadka Dabiiciga ah Marwo Sucaad Axmed Faarax iyo islamarkaana loogu diyaar garoobayay Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka 8-March ee fooda inagu soo haysa Munaasabadaasi ayaa lagagaqeybqaadan doonaa Biy Xidheenka weyn ee Abbay.
Ugu horeyn Waxaa halkaasi ka hadashay Marwo Sucaad Axmed Faarax oo sheegtay in shacabka dawlad deegaanka somalida iyo Xukuumada oo iskaashanaya lasii wadi doono dadaalada loogu jiro sidii loo xoojin lahaa Biyo Xidheenka Abbay ilaa uu ka gabagaboobo waxey kaloo hadlaka ku dartay in 8da-March la xusi doono Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka islamarkaana Xusi doono Sanadguuradii 6aad ee ka soo wareegatay abbay Haweenka DDSI oo ah Haween ku wanaagsan xaga keydka ayey ”tiri Marwo Sucaad” islamarkaana la isku qaban doono labada xus.
Waxaa kaloo halkaasi ka hadashay Wasiirada Xafiiska Arrimaha Haweenka caruurta iyo DDSI Marwo Raxma Sulaan Maxamuud Haybe ayaa sheegtay in wabiga Abbay uu yahay Qorshayaasha dalka Itoobiya uu maanta kaga gudbo saboolnimda. waxaa kaloo ka soo qeybgalay bulshada magaalada jigjiga oo lagu martiqaday munaasabada ayaa halkaasi ku iibsaday garamaan ay kaga qeybqaadanayaan Biyo Xidheenka Abbay waxeyna ballan qaadeen in ay sii xoojinayaan ka qeyb qaadashada biyo xidheenka Abbay
Ugu Dambeyntii Munaasabada ayaa aheyd mid ay haweenka magaalada jigjiga si xamaasad leh ay u sugayaan Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka 8-Mrch.
Comments are closed