Jigjiga (estvlive) 03/03/2017
Hadaba Xaruntan Xisaabaadka Online ka ah ayaa waxaa lagu soo gudin doonaa dhamaan Xisaabaadka Maaliyadda DDSI, Xarunta Xogta Xafiiska Maaliyada iyo hormarinta dhaqaalaha DDS ayaa la bilaabay 2007 Tirsiga Taariikhda Itoobiya lana dhameystiray 2009 T.I islamarkaana at socotay mudo 2-sono ah fulinta xaruntan ayaa shirkad shina ah ayadoo ku baxday lacag gadheyso 5.5-milyan oo birr isla markaana u jeedada Xaruntan loogu tala galay in at isku xidho nidaamka xisaabaadka deegaanka (financial system) taaso loo adeegsanayo nidaam online ah.
Kulankan daahfurka islamarkaana xadhiga ka jarista xarunta xogta iyo xafiiska maaliyadda DDSI ayna ka soo qeybgaleen wasiirada maareeyayaasha kumushinnada xafiisyada heer deegaan waxaana uGu horeyn halkaasi ka hadlay Wasiirka Adeega Shacabka iyo Horumarinta Cududa Shaqaalaha DDSI Marwo Maajida Maxamuud Maxamed oo sheegtay in nidaamkan cusub ee online ka ah in uu xad u sameeyo xisaabaadyada ayadoo hadalkeeda sii wadata sheegtay in ay ku farax san yihiin islamarkaana ayna soo dhaweynayaan taasoo sidaa derteed uu ka shaqeyn doono heer deegaan ila heer degmo.
Ugu dambeyntii, Munaasabada daahfurka xarunta xogta xisaabaadka maaliyadda ayaa ku soo gabagaboobay islamarkaana ay soo dhaweeyeen dhamaan Masuuliyiintii ka soo qeybgashay daahfurka xarunta xisaabaadka online ka,
Comments are closed