DAAWO Trump oo Obama ku eedeeyay dhagesysiga talefoonadiisa

Mareykanka (estvlive) 05/03/2017

 

 

Madaxweyne Trump ayaa ku eedeeyay maamulkii Obama in uu dhagaystay wicitaannadiisa telefoonka, waxyar ka hor markii uu ku guuleystay doorashadii madaxtinnimo ee sanadkii hore.

Mr Trump oo fariimo qoraal ah soo dhigay bartiisa Twitter ayaan soo bandhigin wax caddeyn ah.

Qoraalka Trump u bartiisa twitter-ka soo geliyayLahaanshaha sawirka Twitter
Image caption Qoraalka Trump u bartiisa twitter-ka soo geliyay

Xubnaha xisbiga Dimuqraadiga ayaa u eedeeyay Trump in uu indhaha shacabka ka leexinayo baaqa ah in baaritaan madax bannaan lagu sameeyo, xiriirrada aan caadiga ahayn ee la tuhunsan yahay in dadka ka ag dhaw ay la yeesheen saraakiil Ruush ah.

Dhankakle afhayeenkii Madaxweynihii hore Kevin lewis ayaa sheegay in aysan jirin Obama iyo cid ka tirsanayd Aqalka Cad oo amartay in muwaadin Maraykan ah in si sir ah loo dhageysto telefoonkiisa.

Mr Lewis afhayeenkii Obama ayaa intaas raaciyey in ay been tahay wax alaale iyo wixii sheegaya eeda caynkaas ah.

xigasho bbcsomali

Comments are closed