Biyo xidheenka Abbay ayaa ah Qorshayaasha dalka u yaalo taasoo la doonayo in looga gudbo xayndaabka saboolnimada islamarkaana uu dalka ka mid noqdo wadamada dhaqaalahooda uu dhax-dhaxaadka yahay hadaba waxaa maalmahan magaalada jigjiga ka socda dadaalo oo looga qeybqaadanayo wabiga biyo xidheenka quwada korantada Ee Abbay.
Waxaa saaka magaalada jigjiga lagu qabtay Tartanka 6-da Kiiloomitir oo ay ku tartamayeen Masuuliyiinta ugu sareysa deegaanka iyo Shaqaalaha Deegaanka iyo bulshada qeybaheeda kala duwan ee ku dhaqan magaalada jigjiga Tartanka ayaa ah mid looga qeybqaadanayo islamarkaana lagu sii xoojinayo Biyo Xidheenka Abbay taasoo loogu diyaar garoobayo Xuska 8da-March Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka Adduunka oo lagu qaban doono magaalada jigjiga.
Masuuliyiinta ka Soo Qeybgashay tartanka orodka oo warbaahinta DDSI la hadlay ayaa sheegay oo ay kamid tahay Wasiirada Xafiiska Arrimaha Haweenka Dhalaanka iyo caruurta ee DDSI Marwo Raxma Suldaan Maxamuud Haybe ayaa sheegtay in saaka shacabka iyo xukuumada wada jir ah ay ka qeyb qaadanayaan sidii loo taageeri laha biyo xidheenka weyn ee Abbay.
Waxaa kaloo ka soo Qeybgalay masuuliyiin farabadan waxaa kamid ahaa Wasiirka Ganacsiga iyo Gadiidka DDSI Ahna Madaxa Arrimaha XDSHSI Mudane Khadar Cabdi Ismaaciil oo Warbaahinta DDSI u sheegay in maanta Xukuumadda Dawlad deegaanka somalida Itoobiya ay Ahmiyad weyn u tahay in ay ka Qeybqaataan islamarkaana shacabka iyo xukuumada oo iskaashan sidii ay uga miro dhalin lahaayeen Biyo xidheenka weyn ee Abbay taasoo ah Qorshayaasha dalka u yaalo oo la doonayo in looga gudbo xayndaabka saboolnimada islamarkaana uu dalka ka mid noqdo wadamada dhaqaalahooda uu yahay wadamada dhax-dhaxaadka Ah.
Ugu dambeyntii Xuska 8-march oo sadax maalmood ka dhiman ayaa shacabka deegaanka u xamaasadeysan xuskaasi waxaa aad magaalada jigjiga looga dareemaya u diyaar garowga Xukaasi
Comments are closed